MW:Shariif Xasan oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka ayaa mar kale lagu qabanayaa Magaalada Kismaayo iyadoo ay noqonayso markii labaad ee Madaxdu ay ku kulmaan Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkan uu wax badan kusoo kordhin doono geedi socodka hanaanka Siyaasada Amniga iyo Hormarka Soomaaliya iyo qaabkii horay loogu sii socon lahaa.