Nabadoon lagu dilay Degmada Afgooye

Koox hubeysan ayaa nin nabadoon ahaa ku dilay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, iyadoo faah faahin dheeraad ah laga helayo qaabka dilkan uu u dhacay.

Nabadoonka la dilayay oo lagu magacaabayay Ibraahim Maxamed Ibraahim, ayaa waxaa uu ka mid ahaa Nabadoonada sidda weyn looga yaqaano degmada Afgooye.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga doortay Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo bilaabay howlgallo.