Natiijada: Doorashada ka dhacday Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada koonfur Galbeed.

Doorashada oo maanta ku socotay si Habsami leh ayaa waxaa ku soo baxay dhowr Mudane oo ka mid noqday xubnaha cusub ee Aqalka Hoose, waxaana la doortay ilaa 4 xildhibaan.

Xubnaha maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay kala yihiin Cali yuusuf Cusmaan oo helay 41 cod, Isaaq Maxamed Maxamuud 51 cod, Cusmaan Xaaji Cali 48 cod iyo Xamze Zayid Xamze 49 cod.

Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.