New national Agency for Refugees & IDPs launched in Somalia

article-2877285-241D46D900000578-238_636x382

Petr Cech ayaa shaaca ka qaaday in maaskaradiisa madaxa inay sabab u aheyd in Kurt Zouma uusan soo gaarin dhaawac weyn markii ay labada nin isku dhaceen kulankii ay Chelsea xalayto ka badisay Derby.

Daafaca dhexe Zouma ayaa si xun dhulka ugu dhacay ka dib markii ay madaxa isku dhufsadeen isaga iyo goolhayihiis xilli Derby County ay kooner soo tuurteen.

Waxaana durbadiiba laga cabsi qabay in Zouma uu dhaawac halis ah madaxa ka soo gaaray, laakiin Jose Mourinho ayaa sheegay inuu taam u noqon doono kulanka Stoke City ee isniinta.Chelsea goalkeeper Petr Cech, Kurt Zouma and Derby centre back Richard Keogh all challenge for the ball

Cech ayaa yiri: “Markii aan madaxa isku dhufsanay waxaan jug xoogan ka dareemay dhanka midig. Waxaan raadinayay kubada, waxaana ay aheyd jug xoogan laakiin waan faraxsanaa madaama aysan waxba i soo gaarin.

“Laakiin markii aan arkay Zouma oo dhulka yaala walwal ayaa i galay sababtoo ah si xoogan ayaan isagu dhacnay. Nasiib ayuu lahaa waxa uu ku dhacay maaskarada madaxa sababtoo ah jugta waa ay ka sii xooganaan laheyd sidaas.

“Waxaan qabaa in maaskarada madaxa ay badbaadisay isaga iyo sidoo kale aniga xitaa, sababtoo ah jugta ma noqonin mid labada madax ay si toos ah isagu dhacaan.”Zouma collides painfully with Cech as the Chelsea goalkeeper punches the ball away just ahead of Keogh

 

Goolhayaha reer Czech ayaa xirtay madax gashigaas tan iyo markii lafta madaxa ay jug ka soo gaartay markii ay isku dhaceen xiddigii Reading Stephen Hunt bishii October 2006.

Dhakhtarada kooxda Eva Carneiro ayaa ciyaaryahan u soo gurmatay islamarkiiba laakiin waxaa ka soo daahay qolyaha soo qaada bareelada, kuwaasoo socod ku soo galay garoonka halkii ay ka soo ordi lahaayeen, waxaana ka hortagay Fabergas iyo Azpilicueta kuwaasoo la soo cararay, Cech ayaana sharaxaya sababta.Zouma is clattered by  goalkeeper Cech as the Blues No 1 punches the ball clear

Waxa uu yiir: “Eva waxa ay seddex jeer ugu sheegtay raadiyaha hadalka “keena bareelada’. Waan maqli karnay. Waxaana qabaa waa sababta keentay carada ciyaartoyda.

“Waxaan maqalnay, Keena bareelada, laakiin cid timid ma jirin. Waana sababta ay ciyaartoyda ula soo carareen.”

Tababare Mourinho ayaana sababta isna ku sheegay inay aheyd inay ilaalinayeen baratakoolka taasna ay aheyd sababtii ay socod ugu soo galeen garoonka.

Cech (left) and Didier Drogba show their concern as Zouma lies on the turf following the collision

 The Frenchman received treatment from Chelsea's medical staff for seven minutes shortly before half-time
Cesc Fabregas and Cesar Azpilicueta help bring on the stretcher as Zouma is treated by Chelsea medical staff