Ninkii baddali lahaa Abuubakar Al Baqdaadi oo asagana la dilay

Maalin un kadib markii Mareykanka uu shaaca ka qaaday in uu dilay hogaamiyihii Ururka la magac baxay Khilaafada Islaamka, waxaa haatan soo baxaya warar kale oo sheegayo in la dilay hogaamiye sare oo ka tirsan ururka IS.

Hogaamiyaha Maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya wuxuu sheegay in Mareykanka uu weerar ku dilay Abuu Xasan Al Muhaajir oo ahaa afahayeenka ururka isla markaasna ay suurogal aheyd inuu xilka kala wareego Abuubakar Al-Baqdaadi.

ilaa hadda Mareykanka ma uusan xaqiijin arrintan balse Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in Al Muhaajir lagu dilay weerar Duqeyn ah xilli uu ku safrayay waddo ku taal waqooyiga Suuriya.

Dalalka saaxibada la ah Mareykanka ayaa ka digay in dilka Abuubakar Al-Baqdaadi aysan ka dhigneyn in lasoo afjaray Dagaalka lagula jiro kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka.