NISA oo gacanta ku dhigtay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa caawa gacan ku dhigay hub iyo Gaari noociisu yahay Kaarib, kaas oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Qabashada Hubka iyo Gaariga ayaa ka dambeysay kadib markii ay Ciidamada NISA howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo baaray gaariga ayaa ka dhex helay Walxaha Qarxa, Qoryo, Gantaalada Garabka laga tuuro iyo Foosto ay ku buuxaan Aaladaha Qarxa ee sida daran dadka u waxyeelleeya.

Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA ayaa SONNA u sheegay in tallaabadan ay gacan ku siiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka laga soo qabtay gaariga iyo hubka kadib markii ay hay’adda ku soo wargaliyeen qatarta shacabka Soomaaliyeed kasoo gaari karta qaraxyadaasi.