Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Iyo Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Shiikh Aaden Oo Yeelanaya Kulan Albaabada U Xiran.

October, 08 2015 ( Radio Baidoa) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee Gobalka Bay, ayaa sheegaya in Odayaaasha dhaqanka koonfur galbeed iyo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ee Soomaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aaden maanta kulan ku yeelanaya magaalada Baydhaba.

Malaaq Deerow oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee koonfur galbeed ayaa warfidiyeenada u sheegay ujeedada kulankan laga leeyahay, waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha maamulka koonfu galbeed Soomaliya Shariif Xasan uu go’aan rasmi ah kasoo saari doono, kadib markii qaar kamid ah dadka dega seddex degmo oo ka tirsan gobaka Bakool kuwaas oo dhaliilsan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamanka uu yeelanayo maamulka koonfur albeed.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed oo gaaray gobalka Bakool oo ay sheegeen in maamulka koonfur galbeed aysan kamid aheyn degmooyinka Caato, Qansaxdheere, iyo Yeed

Radio Baidoa

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com