Puntland oo dagaalka Bali-khaddar ku eedaysay Somaliland

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay ka dambeeyeen dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Bali Khaddar ee gobolka Bari.

Puntland waxa ay sheegtay in dagaalkaasi uu hoggaaminaayay nin kasoo jeedda Magaalada Hargeysa,islaamarkaana loogu tala galay in lagu dhibaateeyo maamulka Puntland.

Gudiga Difaaca Puntland oo warbahinta la hadlay ayaa ka hadlay dagaalka Puntland la gashay Al-Shabaab iyo xaaladda Tukaraq,waxaana ay sheegeen in ciidanka Puntland ay soo weerartay Argagixo caalami ah oo ay qayb ka tahay Somaliland.

Axmed Cabdulahi Yusuf Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka Puntland ay iska difaaceen Weerarkii xalay Shabaab ay kusoo qaadeen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in ay dagaalka ku jireen sarakiil uu kamid yahay Maxamed Cabdulahi Bataar oo lagu xusay in uu ka tirsanyahay guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland,kana soo jeeda degaanadda Somaliland.