Puntland oo Dowlada Ku Eedeysay In Fara Gelin Ay Ku Hayso.

Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Puntland  Oo saaka shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Gardarrooyin Cad cad uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku waddo Puntland.

Waxyaabaha Wasiirku shirkiisa jaraa’id uga hadlay waxaa ka mid ah Maamulka Gobolada Dhexe oo Dowladda federaalku ku cel celisay Mudug iyo Galgaduud halka horay loogu heshiiyey Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, iyo hadal uu jawaabay oo ahaa in Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Odawaa uu sheegay in Dowladda Federaalku ay aqoonsan tahay Maamulka Khaatumo.