Puntland oo magaalada Bosaso kusoo bandhigtay rasaasta gantaalada iyo waxyaabaha qaraxyada laga farsameeyo

Saraakiisha ciidanka booliiska gobolka Bari, ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay rasaasta hubka culus ee gantaalada garbaha laga rido iyo aaladaha loo adeegsado waxyaabaha fududeeya qaraxyada.

Masuuliyiintu waxay sheegeen waxyaabahan in lagusoo qabtay howlgallo magaalada Bosaso laga sameeyay, laakiin lamasoo bandhigin haddii ay jirto in cid lagusoo qabtay.

Magaalada Bosaso ayaa kamid ah meelaha ururka Alshabab uu ka fuliyo qaraxyada iyo dilalka qorshaysan, inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay hoos u dhaceen falalkaas.

Maalmo kahor ciidanka nabad sugida Puntland ee loo yaqaan PSF, ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ka sameeyay dhul buuraley ah oo ku dhow magaalada Bosaso.