Puntland oo sheegtey in Imtixaanka Somaliland laga joojiyay Gobolka Sanaag

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland, ayaa shaacisay inay joojineyso qorsho Soomaaliland ay ku dooneyso in Imtixaanaadka Iskuulada uga sameeyso Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiinta Puntland ugu Magacaabay gobolada Sanaag iyo heylan lagu amrayo inay joojiyan in Somalialnd ay Imtixaan ka qabato labadaaasi Gobol ayna fuliyaan amarka Wasiirka.

Sidoo kale Qoraalka Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa waxaa loogu mahad celiyay Shacabka ku nool labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan sida ay uga Shaqeeyeen hirgelinta nidaamka Waxbarasho ee Puntland, isla markaana dhawaa n la dhameystiri doono Baahiyaha waxbarasho ee kajira degaannadaas.