Putin oo soo bandhigay nukliyer il-maqabato ah

Mudane Putin ayaa sameeyey shaac bixinta, kagadaal markii uu aasaaska u dhigay hiigsiyo siyaasadeed, markiisii afraad ee uu xilka madaxweynenimo u tartamayo.

Ruushka waxaa ka dheceyso doorasho, 17 maalmood gudahood taas oo la filayo in Putin uu ku guuleysto.

Mr Putin wuxuu ka qeyb qaatay bandhig dhanka hubka ah, waxaa ka mid ahaa gantaal gaari kara “dunida oo dhan, meel walboo ay ahaataba”.

Iyadoo uu isticmaalayey sharaxaad kombuutar ah, wuxuu sheegay madaxweyne Putin in gantaaladan aanay qaban karin dayax gacmeedyada difaaca ee Mareykanka ee yaalla Yurub iyo Aasiya.

Wuxuu ku faanay in ay soo saareen hub awood u leh xambaarida nukliyerka, sida gantaalka Cruise-ka iyo markabka gujis ah ee biyaha hoostooda quusa, ee aan cidna aanay wadin.

Intii ay socotay khudbada labada saacadood laga baahinayay telefishinka ee uu u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka, wuxuu Vladimir Putin ku dhiirigaliyey dadweynaha Ruushka in ay erey bixin u sameeyaan labadda nooc ee hub ee lasoo saaray.

Wuxuu ku doodey in Ruushka uu ka fal celinayo sannadaha badan ee Mareykanku uu dhagaha ka fureysanayay codsiyo badan oo kusaabsan in aanu jabin heshiiska difaaca gantaallada.