Qaar kamid ah Wasiirada KG oo Kulamo la qaatey Dhallinyarda Degmada Waajid Sawirro

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka KGS mudane Maxamed Xuseen Xasan iyo Xubno katirsan Golaha Xukuumada KGS waxa ay caawa kulan isbarasho iyo isxogwareysi ah la qaateen dhalinyarada Degmada waajid ee gobolka bakool iyagoo wada shaahey waqti dheerna wada qaatey

Wasiirada iyo dhalinyarada waxa ay gorfeeyeen marxaladaha iyo baahiyaha ay qabaan dhalinyarada ku dhaqan waajid iyo muhiimada ay leedahay baahinta adeega dowladnimo

wasiirada qaar oo ka hadley kulanka ayaa u balan qaadey dhalinyarada in si deg deg ah wax looga qaban doono baahiyaha gaar ka ah ee ay qabaan dhalinyarada, si gaar ahna dowlada uga warheyn doonto

qaar kamid ah dhalinyarada oo dhankooda la hadley wasiirada waxa ay uga mahad celiyeen kaalintooda ku aadan qabsoomida kulankan iyo sida xilkasnimada leh ee ay uga garaabeen marxaladaha dhalinyarada degmada waajid iyagoo kulankan ku asteeyey inuu ahaa mid taariikhi ah oo uusan hore noociisa loola yeelan.