Qaar kamid ah xildhibaanada Hirshabeelle oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka caburin

Qaar ka mid ah xildhibaanada Hirshabeelle oo ku midoobay kudlada Badbaadada sharciyada Hirshabeelle ayaa kulan ay ku qabteen magaalada Jowhar waxa ay ku eedeeyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle inuu caburin ku hayo xildhibaanada Baarlamaanka waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha Hirshabeelle in uu si dhaqso ah u horyimaado baarlamaanka Hirshabeelle.
Kudladan ayaa waxaa ay ugaga hadleen kulankan qoddobo ay ku sheegeen in caburin uu ku hayo guddoomiyaha baarlaamaanka uuna doonayo in uu xildhibaano ka mid ah Hirshabeelle mooshin laga keeni karo.

“Qoddobka ah in xubinimada xildhibaanka cod loo qaadi karo kuna weyn karo xildhibaanimadiisa, waa mid ugub ku ah xildhibaanada mana aqbalayno.”ayuu yiri xildhibaan Abuukar Xasan Cali oo ka mid ah Kudlada.

“Nasiib darro ayaa ku dhacday shacabka Hirshabeelle waxaana dhacday in madaxda Hirshabeelle ay kala garanayn maamulka guryahooda gaarka ah iyo maamulka dowlad goboleedka.”ayuu yiri Xildhibaan Abuukar Xasan Cali.

“Golaha wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle waa mid cadaalad darro ah waana mid aysan xamili karin maamul goboleedka beelaha qaarkoodna waxaa la siiyay illaa 9 wasiir halka dowlada federalka beel walba aysan heleyn wax ka badan hal wasiir.”ayuu sii raaciyay Xildhibaan Abuukar Xasan Cali.

Sidoo kale kudladan ayaa waxaa ay ka soo horjeesteen in golaha wasiirada dhowaan uu magacaabay madaxweyne Hirshabeelle ay howlgalaan iyagoo aan la soo marsiin baarlamaanka lana ansixin sharcinimadooda.

Ugu dambeyntii xildhibaanadan ayaa waxaa ay ku baaqeen in muddo 48 saacadood gudahood ah uu Madaxweynaha Hirshabeele Cali Cabdulahi Cosoble uu horyimaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan dowlad goboleedka Hirshabeelle