Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland oo Sharci Darro ku tilmaamey Caleema Saarki Axmed Madoobe

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay Caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo uu ka qeyb-galay madaxweyne Deni.

Xildhibaannada ayaa arinta Kismaayo ku tilmaamay mid xagal daacin ku ah Dowladda federaalka isla markaasna ay sharci darro tahay in madaxweyne Deni uu ka qeyb-galo wax aysan Aqoonsanayn Dowladda federaalku.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ay dhawaan tegi doonaan magaalada Muqdisho isla markaasna ay xal u raadinayaan khilaafkaadka soo noqnoqda ee dowladda dhexe iyo Puntland.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Cambaareeyey Xarigii lagula kacay Aqoonyahan Muuse Cali Jaamaac oo isna dhaleeceeyey Caleema Saarkii Axmed Madoobe iyo Safarka uu halkaasi ku tegey Madaxeyne Deni waxaana ay ku baaqeen in Xurriyadiisa dib loogu soo celiyo.