Qandaraaslayaal u soo Tartamay dhismaha Wadooyin Oo Baydhabo looga Daahfuray Tababar-SAWIRO

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiskha iyo Guryeynta ee DGKGS Mudane Maxamed Cali Xasan ayaa maanta ka daah furay Magaalada Baydhabo Tababar la siinayo qandaraasleyda u soo tartamay Dhismaha 13 wado xaafadeed oo la rabo in laga dhiso Magaalada Baydhaba.

Mashruuca dhisida qeybo kamid ah wadooyinka Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo dhirir ahaan gaaraya ilaa 17km, waxaa iska kaashanaya Wasaaradda iyo Hay’adda Shaqaalaha Aduunka oo ay maalgalineyso Bankiga horumarinta Jarmalka (KFW).

Waxaa Furitaanka Tababarka kasoo qeyb galey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Duqa Magaalada Baydhabo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Shirkadihii soo tartamay qandaraasyada iyo Masuuliyiin ka socda ILO oo uga qeyb galeen qaab fogaan arag ah.