Qaramada Midoobey: Kumanaan Qof oo ka barakacay fatahaada Beledweyne

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ka badan 72,000 ay barakaceen daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay bartamaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Waxay sidoo kale sheegtay in boqolkiiba 40 magaalada ay la wareegeen fataahadaha isla markaasna ay saameeyeen shacab badan.

Waxay fataadaha ka dhasheen markii uu fatahay webiga Shabeelle ee dhexmaro magaalada.

Roobbab mahigaan ah oo ka da’ayay qaybo kamida Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya sedexdii todobaad ee la soo dhaafay ayaa keenay inay buux dhaafaan biyaha webiga Shabeelle gaar ahaan magaalooyinka Beldweyne iyo Jowhar taasoo durba dhalisay in tobannaan kun ay ka qaxaan guryahooda, una baxaan dhulka sare.

Biyaha webiga ayaa meel sare maraya isagoo qarka u saaran inuu ku fataho magaalooyinka Beledweyne, Buuloburde, Mahadaay Weyne iyo Jowhar, sida ay sheegtay kooxda la socodka xoggaha biyaha iyo dhulka ee hay’adda beeraha Qaramada Midoobay ee FAO.

Deegaanno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaa ka da’ay roobabka deyrta, waxaana ka dhashay fatahaado dhibatooyin geystay.

Mas’uuliyiinta gobolka waxay ha’yadaha gargaarka ka codasdeen inay lasoo gaaraan gurmad deg deg ah maadama xaaladda banii’aadanimo ay sii xuumatay