Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay xaalada Jubbaland

Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen xaalada Jubbaland iyo khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulkaas.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay mid aan deganeyn,hayeeshee dadkeeda ay yihiin kuwo u diyaarsan hadafyada doorashada soo socota.

“Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay weli mid aan deganeyn, haddana Jubbaland iyo shacabkeeda waxa ay leeyhihiin door ay ka qaataan ku guuleysiga hadafyada 2020, ma rajeyneyno in aragtiyadooda la iska indha-tiro,” ayuu yiri Amb, James Swan.

Hadalkan ayaa Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayuu sheegay xilli uu Kismaayo kulan kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland,isaga oo ay wehlinayeen xubno ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD ku tagay Kismaayo.