Qaramada Midoobey Xubno ka soxdey Oo so gaarey Baydhabo

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wafdi uu Hogaaminaayo Safiir Kuxigeenka Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya ahna iskuduwaha Qaramada Midoobey Ee Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Adam Abdelmoula,

Waxaana ay yeesheen kulan Isxogwareysi ah oo ku saabsan Xaaladda Bani’aadanimo Ee ka jirta Deeganada Koonfur Galbeed Nabadiidka Alshabab ay go’odoomiyeen Sidii Wax looga qaban lahaa.

kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiiboyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdinasir Cabdi Caruush .