Qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka sh/Hoose

bamApril 9 (Radio Baidoa)-Qaraxan oo ahaa bambaano nuuca gacanta laga tuuro ayaa Kooxo hubeysan waxey ku weerareen Xarun dabka qeybisa oo ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu haleelay Motoor dabka laga dhaliyo oo dhex yaalla Xarunta la weeraray, iyadoona taasi in gabi ahaanba  leerarkii ay ka damaan Xaafadaha kala duwan ee Degmada Afgooye.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo cayimin.

Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi ayaa ka baxsaday goobta, waxaana meesha soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo dubaba bilaabay howlgallo lagu baadi goobayay raggaasi.

Ila iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda ee Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose oo ku aadan Qaraxaasi.