Qarax bambo oo caawa ka dhacay Baydhabo

0 203

weerar bambo gacmeed loo adeegsaday oo fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada baydhabo.

Qaraxan ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay xaafada Onodka oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay, dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in bartilmaameedka uu ahaa askari Koonfur Galbeed ka tirsan oo xilligii afurka biyo ka cabayay maqaaxi yar.

Hay’ adaha ammaanka ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Baydhabo, si dhaawacooda wax looga qabto.

Ciidanka ammaanka ayaa caawa baaritaano amni xaqiijin ah ka wada aagga uu weerarkan ka dhacay, waxaana ay ku daba jiraan raggii falkan geystay.

Magaalada tan Baydhabo ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka oo laba maalmood ka socday, waxaana ammaanka uu ahaa inta uu shirka socday mid aad loo xaqiijiyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.