Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Qarax jugtiisa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa caawa wuxuu ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, sida ay inoo sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

Qaraxan oo ka dhashay gaari nuuca raaxada ah, islamarkaana lagu soo xiray Miinada nuuca dhejiska ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dalcadda Taleex.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay Idaacadda Radio baidoa u sheegey gaariga qarxay nuuciisa inuu ahaa kuwa raaxada, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labada askari ee gaariga saarneyd.

Dhaawacyadan askratan ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in Hal askari uu dhaawiciisu daran yahay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta, waxayana xayireen isu socodka wadadaasi, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaanada la xiriira qaraxan.