Qarax dhimasho iyo dhaawac Sababay oo ka dhacay Ex-Koontorol Afgooye

Qarax Miino oo lagu aasay Goob ay Ciidamadu fariistaan oo ku taalla Ex-koontorol Afgooye ayaa goor dhaw ka dhacay halkaasi.

Ugu yaraan 6 Askari oo ka mida Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa halkaas ku dhintay,waxaana ku dhaawacmay Lix kale oo ay ku Carruur.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Qaraxa lagu aasay Maqaayad ay Ciidamadu Shaaha ku cabaan.

Qaraxa ka dhacay Ex-koontorool Afgooye ayaa ku soo aadaya Xilli Maanta Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.