Qarax goor Dhaw ka dhacay Degmada Afgooye

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso, waxaana lagu aasay goob ay fariistaan ku lahaayeen Ciidanka Dowladda.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 3 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, waxaana ku dhaawacantay 4 Qof oo shacab ah.

Ciidanka Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.