Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax lala eegtay kolonyo  ay la Socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya jooga oo ka dhacay waddada warshadaha ee Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Wasaaradda Difaaca.

Isbitaallada Magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo kala duwan oo ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii maanta.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ah oo la beegsaday baabuur milatari oo ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga, oo qayb ka ah kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarka ciidamada Soomaaliya iyo talo-siinta kuwa AMISOM.

Baabuur uu waday qof ismiidaamiye ah ayaa lagu dhuftay gaari ay leeyihiin milatari Talyaaniga.

Khasaaraha  soo gaaray baabuurka la bartilmaameedsaday, ilaa haatan ma cadda khasaaraha inta uu le’eg yahay, hase yeeshee waxaa wararka hordhaca ah ay sheegayaan in khasaare jiro.

Gaariga uu Qaraxu qabsaday ayaa qeybta Dambe ka burburay.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Midowga Yurub iyo Hay’adaha amaanka dawladda.