qarax ka dhacay magaalada Qardho

Wararka aan ka heleyno magaalada Qardho ee Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in galabta halkaasi uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in marqura ay maqleen jugta qarax xoogan, intaasi kadibna ay arkeen uuro cirka isku shareertay.

Qaraxan oo si gaar ah uga dhex dhacay geerish ku yaalla Qardho ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu ka dhashay biro ay garaacayeen shaqaalaha geerishka, halka warar kalena ay sheegayaan in uu qarxay gaari yiilay geerishka.

Waxaa la sheegay in qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo rayid ah kuwaasi oo dhaawacooda la dhigay isbitaalka magaalada Qardho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa waxa ay tageen goobta ay wax ka dhaceen, waxayna tilmaameen inay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxan, dibna ka soo sheegi doonaan sida ay wax u dhaceen.