Qarax Khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Kabul

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay bartamaha caasimada Afghanistaan ee Kabul.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 80 qof ayaa waxyeelo ay kasoo gaartay.

Qaraxa ayaa ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda , waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.

Waxaa la arkayay qiiqa ka baxayay goobta uu qaraxa ka dhacay

Mid ka mid ah wakaaladaha wararka ayaa ku warantay in dhowr qof ay ku dhinteen weerarkan.

Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka maanta ka dhacay magaalada Kabul.