Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya gobolka Bari gaar ahaan degaanka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaa oo saarnaa gaari nooca dagaalka ah.

Miinada oo la sheegay iney dhulka ku aasneyd ayaa wararku waxay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidanka Puntland, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidamada ku dhaawacmay qaraxan waxaa loo qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, welina maamulka Puntland kama aanay hadal qaraxan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxaasi, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen ciidamo ka tirsan Puntland.

Buuraha Galgala waxaa la sheegaa iney ku jiraan dagaalyahanno ka tirsanaa Al-shabaab, balse markii dambe sheegay iney kamid yihiin Daacish.