Qarax lala eegtay Ciidanka Kenya

Qarax ayaa maanta ka dhacay gobolka xeebta ee dalka Kenya ee Lamu, kaasi oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga dalkaas.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa booliiska ayaa sheegtay inay jiraan khasaare ka dhashay qaraxaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxa ay shaaciyeen dhimashada ugu yaraan 5 askari.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeeysay Mas’uuliyadda Weerarkaasi Al-Shabaab .

Qaraxa oo ahaa Miinadda dhulka lagu Aaso, waxaana uu qabsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, waxaana la sheegay in guud ahaan uu gubtay gaarigaasi.

Dhowaanahan ayaa waxaa sii kordhayey qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Soomaaliya.

3 askari oo ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino loo dhigay, degaanka Malele Bartamihii Bishii hore.