Qarax Miino oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saakay ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarbuunka.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada Hodan ayaa waxa uu nuuciisa ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, sida ay inoo sheegeen ddka degaanka.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Qaraxan oo lagu aasay derbiga wado u dhow guri halkaasi ku yaalla in lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo wadada marayay, watayna Gaari nuuca raaxada ah.

Khasaaraha hordhaca ah ee qaraxan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku dhintay Hal Qof oo shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya