Qarax Sarkaal ruux lagu dilay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan degaanka Tareedisho.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso oo meelaha fog laga hago ayaa xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab waxa ay la eegteen Gaari Cabdi Bile ahaa oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi oo la hadlay Radio Risaala ayaa sheegay qaraxan in ay ku dhinteen Sarkaal laba xidigle ahaa iyo Saddex Askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa inoo sheegay ilaa Lix qof oo shacab ah in ay ku dhaawacmeen qaraxan, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka akdhow.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo goobta ka qaaday Ciidamadii ay waxyeelada soo gaartay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxaasi inay ku dileen Cabdi Xasan (Biyo Quute) oo mar ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, laakiin ka tirsan Saraakiisha ciidamada Militariga Soomaaliya.

Ma cadda Sarkaalka qaraxaasi ku dhintay inuu yahay Cabdi Xasan Biyo Quute iyo inuu yahay Sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya.