Qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali, sida ay sheegeen dad goobjoogayal ah.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegey qaraxan in lala beegsaay maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla wadada Maka Al-mukarama oo galabkii ay dad badan isugu yimaadaan.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaarah dhabta ah ee ka dhashay qarax, gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa goobta ka qaaday dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Laamaha ammaanka weli faah faahin kama aanay bixin nuuca qaraxan uu ahaa, balse sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur soo gaaray Maqaaxida la beegsaday.

Ciidanka ammaanka oo tagay gooabta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay bilaabeen baaritaanada la xiriira qaraxan, waxaana halkaasi soo buux dhaafiyay dadeyne fara badan.