Qaraxyo xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada muqdisho

qqqqqqqqqqqqqqqqApril 11 (Radio Baidoa)— Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka xarunta dowladda Hoose ee Officio Governo ee degmada Xamar weyne, halkaasoo xarun u ah Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta dowladda Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku abaarnaa Maqaayada Al-Hindi oo dhabarka dambe kaga taalo xarunta dowladda Hoose ee Officio Governo.

Qaraxa ayaa xoogiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu qaraxa sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii fadhiyay banaanka maqaayada iyo kuwa cunteynayay.