Qarrax xoogan ayaa laga maqley agagaarka Hotelka Jubba ee magaalada muqdisho, wararka ayaa sheegaaya in qarraxa noociisu yahay gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyey oo keligiisa ku qarxay meel u dhow hotelka jubba.
Goobta qarraxa ka dhacay ayaa soo gaaray ciidamada dowladda soomaliy. Afahayeenka wazaarada amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegey in baaritaan ay wadaan khasaaraha dhabta ahna ay gadaal kasoo sheegi doonaan.
Balse warar hordhac ayaa sheegaya in khasaaraha dhabta ah ilaa iyo imanka lagu sheegey seddex qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidan dowladda ku dhintay.
Wixii warar ah kusoo kordho halkan kala soco Insha Allah