Qaxooti codsadey in laga soo saaro Koonfur Afrika

Dad badan oo qaxooti ah oo ku sugnaa afaafka hore ee xafiisyada ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay ku leedahay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay ayaa ka codsaday ha’yadda inay kasoo daabuusho dalkaas.

Waxay sheegeen dadkan inay bartilmaameed u noqdeen weerarada ajaanib naceybka ee Koonfur Afrika ka dhaca.

Qaxootigan ku sugan Koonfur Afrika ayaa ka kala soo jeedaa dalalka kala ah Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Itoobiya, Eritrea, Suudan, Rwanda iyo Ivory Coast.

Mid kamid ah qaxootiga ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in aysan booliska sugeyn amnigooda.

“Waxaan ka codsaneynaa UNHCR inay magangelyo na siiso, Koonfur Afrika ma aha goob ay nabadgelyo ka helayaan