Qaxooti Yemeni ah oo isku hor gubay afaafka hore ee xafiiska hey’adda UNHCR ee Magalada Hargisa.

October 06 2015 ( Radio Baidoa) Mid kamid ah Qaxootiga udhashay dalka Yemen oo ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo waramayaa in uu isku horgubay, Afaafka hore ee Xafiiska hey’adda Qaramada Midoobe uqaabilsan Dhinaca Qaxootiga ee UNHCR,sababo ay goobjoogayaal ku sheegeen in wax uqabasho la’aan.

Muwaadinkaasi dalka Yemen kasoo jeeday, ayaa ilaa iyo iminka aan la xaqiijin magaciisa, waxaana isaga iyo qoskiisa ay kasoo qaxeen dagaalada sokeeye ee dalka Yemen ka qarxay, waxana isaga iyo qoyskiisa ay ku sugnaayeen magaalada Hargeysa ee soomaaliland.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale shegay in Marxuumkaasi, uu sidoo kale ka cabasho uu ka muujiyay, xuquuqo caawimaad oo lagama maarmaan ah oo uu san ka helin hey’adda.

 Radio Baioda

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.co