QM Oo Digniin Kasoo Saartay Xaalad Ka Jirta Xudur

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka gar-gaarka ee OCHA ayaa ka deyrineysa xaaladda cunto ee magaalada Xuddur.

OCHA ayaa waxaa ay sheegtay in raashinka uu gabaabsi yahay, kadib markii Magaalada ay gashay wax u muuqda go’doon, taana ay sababtay in sicirka uu sare u kaco.

Sidoo kale OCHA ayaa tilmaamtay in ay cabsi ka qabto in xaaladda ka jirta Xudur ay sii murjiso dhibaatada bani’aadanimo ee horay uga jirtay deegaankaas.

Ugu dambeyn Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka gar-gaarka ee OCHA ayaa ugu baaqday maamulka koofur Galbeed iyo hey’adaha gar-gaarka in ay gacan ka geystaan caawinta dadka xudur.

Al-shabaab ayaa 8 sanno go’doon geliyey degmada Xudur ee Gobolka Bakool, isla markaana gubay gaadiid nooca xamuulka qaado ah oo shixdano Ganacsi u siday Ganacsato ku sugan Xudur, waxaana arrintaan ay sababtay in uu yaraado raashinka.