QM oo sheegtay in Soomaaliya ay ku guuleysatay la dagaalanka Musuqa

Qiimeyn dhammaystiran oo ay Sanadkan dhammaanaya samaysay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay Soomaaliya ku guuleysatay la dagaalanka musuq maasuqa.
Wakiilka Ergeyga xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating, ayaa si weyn ugu ammaanay Dowladda Federaalka horumarrada dhanka xasilloonida iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Michael Keating, ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay in tallaabooyinka horumarineed ee ay Dowladda Soomaaliya qaadday ay caqabad ku noqon karaan Abaarta iyo colaadda ka taagan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
“Arrimahaas waxaa ka mid ah musuq maasuq baahsan, oo inta badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha [siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka ka soo horjeeda, waxaa kale oo arrimahaas ka mid ah in la ixtiraami waayo Dastuurka Federaalka Kumeel gaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka, Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta.” Ayuu yiri Keating.
Sidoo kale Keating ayaa sheegay Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) ay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta qaybo ballaaran oo ka mid ah dalka, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay jawi u abuurayaan dhismaha dowladda.
Madaxa Xafiiska Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa ee Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay in xaaladda bani’aaddannimo ee dalku ay aad uga sii darto, taas oo ay uga sii darayso dhibaatada shacabka kaga timmaadda kooxaha Argagixisada