Qof Shacab ah oo Caawa lagu Diley Degmada Afgooye

Wararka Idaacadda Radio Baidoa ee Magaalada Baydhabo ay ka heleyso degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu dilay mid kamid ah dadka ku noolaa degmadaas.

Rag ku hubeysnaa sida la sheegay bustoolado ayaa la sheegay in Xaafada Daaf Eyle ay ku dileen Nin lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka la dilay uu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildbibaannada Koonfur Galbeed ee waqtigooda uu dhamaaday.

Dad ku sugan Afgooye ayaa waxaa ay sheegeen in halka dilka uu ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Afgooye,iyaga oo halkaasi ka sameeyey howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilkaas balse aysan jirin cid loo qabtay.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellha Hoose ayaa waxaa tira ka dhowr jeer lagu dilay qaar ka mid ah Ergada soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka,kuwa Koonfur Galbeed iyo Xubno la Shaqeynayay Maamulka degmadaasi Afgooye.