Qoys Lagu Laayay Degmo Ka Tirsan Gobolka Bakool

Wararka aan ka heleyno degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa la sheegayaan in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay weerar xoogan oo lagu qaaday Guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah oo ku yaalla degmadaas.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay weerarkaas ku qaadeen guriga, xili ay ku sugnaayeen qoyska oo ka koobnaa Hooyo, Caruurteeda, Aabahood iyo xubno kale oo badan, isla markaana ay jiifeen markii uu weerarka dhacayay.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in weerarka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gebi ahaan soo gaaray qoyskii ku sugnaa Guriga oo ku yaalla degmada Waajid.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo isku qoys ahaa ayna ku jireen Hooyo, Caruurteeda, Aabahood oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka, iyo xubno kale ayaa ku geeriyooday weerarka oo loo adeegsaday rasaas xoogan, waxaana ku dhaawacmay dad kale.

Warar ayaa intaas kusii daraya in markii hore Askariga ka tirsan Ciidanka ee ku sugnaa Guriga uu iska caabin ku sameeyay ragii weerarkii soo qaaday, wallow markii dambe rasaasta ay ka dhammaatay, kadibna guriga loogu galay, sidaasina lagu laayay qoyska.

Ilaa iyo hadda lama oga wax ay ahaayeen ragga weerarka geystay, kuwaasi oo goobta ka baxsaday, waxaana dhacadadaas siweyn uga naxay dadka deegaanka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeedd Soomaaliya.