Ra isal wasaare Khayre oo sheegay in la xoojinaayo shaqada Nabad Suggida

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaaca ka qaaday in la xoojinaayo shaqada ay qabtaan ciidanka Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Khayre ayaa sheegay sanadkaan 2018-ka in Miisaaniyada loo kordhiyay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ,islamarkaana lagu daray qarash dheeri ah oo ku saabsan shaqada ay qabato NISA.
Wuxuu sheegay Xukuumadda Sooamaliya inay ka go’an tahay sare u qaadida shaqada Nabad Suggida si loo qabto shaqooyin muhiim u ah dalka.
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya xalay ka jeediyay munaasabada 48-sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka NISA.