Raadiyo Baydhabo oo ummadda Islaamka ugu hambalyeyey Munaasabadda Ciidul Adxaa

Maamulka ugu sareeya Idaacadda Raadiyo Baydhabo iyo Shaqaalaha ayaa hambalyo ku aadan farxada Ciidul Adxaa u diray dhammaan dadka Islaamka ah meel walbo oo ay joogaan, maadaama maalinta berri ah ay ku beegan tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Guud ahaan Umadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka Caalamka iyo gobolada dalka ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya in maalinta berri ah ay u dagaal degaan farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Maxamuud Maxamed Kheyre Agaasimaha Guud ee Idaacadda Raadiyo Baydhabo ayaa sheegay in dhageystayaasha Idaacadda berri si weyn loogu soo dhaweyn doono Xarunta Dhexe ee, sidoo kalena dhageystayaasha loo diyaariyay barnaamijyo gaar ah oo ay ku xusan yihiin hadiyado qaali ah, kuwaas oo ay bixinayaan shirkadaha saaxiibka la’ah Radio Baidoa

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa maanta istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.