Rag looga shakiyay Shabaab oo lagu qabtay Koontaroolka Garowe

Ciidamada Koontaroolka laga soo galo Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa gacanta ku dhigay rag looga shakiyay inay Shabaab ka tirsan yihiin.

Labadaan nin ayaa xalay ka dagay gaari xamuul ah oo siday Ari, kaas oo ka yimid magaalada Baledweyne kuna wajahnaa magaalada Boosaaso, sida uu sheegay taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Gaashanle Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galangooli) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa sheegay meel ku dhaw Koontaroolka Magaalada inay uga dageen raggaan Baabuurka, kadibna ay doonayeen lug inay ku galaan Magaalada.

Darawalka gaariga iyo labadii ruux ayuu sheegay inay xirayeen oo ciidamada Booliska ay ku hayaan baaritaan ku aadan sababta raggaan gaariga ay uga dageen.

Wuxuu tilmaamay raggaan la haayo in looga shakiyay Al Shabaab inay ka tirsan yihiin, maadaama Gaariga uu ka yimid dhanka Magaalada Baledweyne.

Ciidamada ammaanka Koontaroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe, ayaa la galiyay feejignaan ku aadan suggida ammaanka iyo ka hortagga dadka soo galaya Magaalada oo si wanaagsan loo hubiyo.