Raiisal wasaare Khayre oo shir uga qeyb galaya Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay u amba baxay dalka Switzerland, ayaa waxa uu halkaasi uga qeyb galayaa shirka Dhaqaalaha Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sii maray magaalada Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu uga sii duuleen magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Khayre ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa shirkan inuu maanta ka furmo dalkaasi.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka yar ee ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirkaas, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirkan waxaa uu ka dhacayaa Magalada Davos waxaana isugu imaanaya in ka badan 120 dal oo heysta ka qeybgalka casuumadda shirkan.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqaalaha Caalamka, iyada oo lagu gorfeeyo si loo kordhin karo dhaqaalaha Caalamka, loona yareyn karo dhaqaale xumada.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay isbeddel ku sameysay hanaanka Canshuuraha iyo maaliyadda islamarkaana hadda tahay dal dalbanaya in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.