Raiisul Wasaare Rooble oo gaaray Kuwait

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait.

Waxaa uu ka qeybgelaya tacsida iyo duco amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulm doonaa Amiirka dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordii ah loogu qabto dalkaas,waxaana ka qyeb-geli doona inta badan hoggaamiyeyaal ka socda wadamada Carbeed.