Ra’iisul Wasaare Rooble Oo gaaray Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & Wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland, halkaas oo ay ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Safarka Ra’isul Wasaraha ayaa waxaa la sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay sidii dib u heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo. Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada.

Ra’isul Rooble ayaa sidoo kale maalinta Jimcaha ah la filayaa inuu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, waxaana gobolka Gedo maamulkiisa muddo dheer isku hayay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.

Wuxuu sidoo kale Rooble dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo dowladda Federalka ay ka fulineyso magaalada Kismaayo.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’isul Wasaare Rooble uu ku tago Jubaland.