Rooble oo faray Guddoomiyaha Aqalka Sare & Mahdi Guuleed inay khilaafka xaliyaan

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu sheegay in uu ahyaa Wadatashi iyo gorfeyn, isla markaana la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagnaa khilaaf dhanka doorashooyinka ah oo u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan faray Guddoomiyaha Aqalka Sare & Mahdi Guuleed.