Rooble oo gaaray magaalada Jowhar oo muddo bil ah go’odoonsan

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada Jowhar ku tageen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopter ah oo ku degtay Saldhig AMISOM ku leeyihiin bariga magaalada Jowhar, kadib markii Garoonka diyaaradaha uu saameyn ku yeeshay fatahaada Wabiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormer ku tagay goobihii uu ku fatahay Wabiga Shabelle ee sababay in magaalada go’doon gasho, waxaana la sheegay inay la socdaan Xubno ka tirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu la kulmo Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle iyo labada Gole, isaga oo kala hadli doono sida loogu gurman karo dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gargaarka ee dowlada Federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale.

Maamulka Hirshabelle ayaa waxa uu dhowaan kuy eedeeyay dowlada federalka inay iska indho tirayso dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga Shabelle ayna hakisay dhaqaale wadamo ka mid ah caalamka ay ugu deeqeen wax ka qabashada fatahaadaha.

Kumanaan qoys ayaa ku barakacay fatahaad ka dhalatay wabiga Shabelle horaantii bishii aynu ka soo gudubnay iyadoo sidoo kale fatahaaduna ay baabi’isay kumanaan hekter oo ay dalagyo kala duwan ku abuurnaayeen.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo shalay gaaray magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar iyadoo diyaarad helikabtar ah ay ka soo dejisay ra’iisul wasaaraha saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca Bari ee magaalada Jowhar.