Rooble oo kulan la yeeshay Midowga Musharrixiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Golaha Midowga Musharraxiinta oo walaac ka muujinayay hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Midowga Musharrixiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka Soomaaliya

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xubnaha Midowga Musharrixiinta ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha in doorashada Golaha Shacaabka ay ku socoto hanaan sharci darro oo boob ah, isla markaana dad xaq u lahaa in ay tartamaan kuraasta qaar laga reebay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u sheegay Midowga Musharrixiinta in uu ka Shaqeyn doono sidii si hufan ugu dhici laheyd dooraashada Golaha Shacabka maadaama Xukuumaddiisa lagu aaminay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa midowga Musharrixiinta mucaaradka waxaa ay cadeeynayeen in boob lagu haayo kuraastaa Golaha Shacabka, iyaga oo qaadacayay sida ay u socdaan doorashooyinka, isla markaana ay dalbadeen in hanaan xor iyo xalaal ah in doorashada lagu qabto.