Rooble oo sheegay in uu tegi doono dhamaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Kismaayo ayaa Maanta gaaray degmada garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka tegin Magaalada Kismaayo waxaa uu kormeeray Goobta Magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo doorashada labada Aqal, isaga oo kulan dardaaran ahaa la qaatay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo hadlay ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka, sida, Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo,Jowhar iyo Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sidoo kale waxaa uu sheegay in ujeedkiisa uu yahay sidii uu u indha-indheyn lahaa Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyink, isla markaana uu u kuurgalayo xaaladaha Amni ee kajira goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.